- Home
- Healthy People
- Children & Family
- Adverse Childhood Experiences
- DHIBAATADA & ADKAYSIGA (Somali)
DHIBAATADA & ADKAYSIGA (Somali)
Waayo-aragnimada Xun ee Carruurnimada (ACEs) waa waayo-aragnimo taban oo walaac leh ama naxdin leh ka hor da'da 18 jirka kuwaas oo saameyn dheer ku yeelata caafimaadka jirka, caafimaadka maskaxda iyo fayoobaanta bulshada. Dadka intooda badan waxay qabaan ugu yaraan hal ACE. ACEs waa wax jiilba jiil kadhaxlo. Waalidiinta qabo in ka badan 5 ACE waxay 14 jeer uga dhow yihiin inay yeeshaan xaalado u abuura ACEs caruurtooda.
Adkeysiga waxay caawisaa inay ka hortagto saamaynta ACE ee maskaxda iyo jidhka. Adkeysigu waa awooda aad ku noqon karto inaad ahaato qof quwad leh, caafimaad qaba oo aad guul gaarto mar kale ka dib marka ay wax xun dhacaan. Dhammaanteen waxaan ku dhalannay adkeysi, waana la baran karaa oo lagu horumarin karaa da' kasta. Caddaynta ayaa muujinaysa in waayo-aragnimadii hore, labadaba kuwa togan iyo kuwa tabanba, ay muhiim u yihiin dhismaha iyo qaabaynta sida maskaxdu u horumarto .
KHIBRADAHA XUN EE CARUURNIMADA
DARAASADII KOOBAAD
Daraasaddii ugu horreysay ee dadwayne oo baaxad leh oo ku xiriirisay khibradaha xun ee Carruurnimada, ama ACEs, natiijooyinka caafimaadka dadka waaweyn ee liita, oo la daabacay 1998, ayaa waxaa sameeyay iskaashi u dhexeeyay Xarumaha Xakamaynta iyo Kahortagga Cudurrada (CDC) iyo Kaiser Permanente. Daraasadu waxay is barbardhigtay 10 qaybood oo khibradaha xun ee caruurnimada ah iyo liis dheer oo natiijooyin caafimaad xumo ah oo ay ku jiraan cudurada wadnaha, kansarka, sonkorowga, iyo xitaa niyad -jabka.
Daraasadu waxay daaha ka qaaday in ACE-yadu ay aad ugu badan yihiin, 64% boqolkiiba ka qaybgalayaashu ay la kulmeen ugu yaraan 1 ACE. Daraasadu waxay sidoo kale ogaatay in ACE-yada badan ee qofku qabo ay sare u qaadayso halista dhibaatooyinka caafimaad ee ku dhici kara inta uu nool yahay..
10-ka qaybood ee ACE ee la daraaseeyay kuma jiraan dhammaan noocyada suurtagalka ah ee dhibaatada carruurnimada.
10 ACE
XADGUDUB
1. Jireed
2. Dareen
3. Galmo
DAYACAAD
4. Jidh ahaan
5. Dareen ahaan
Caqabadaha QOYSKA
6. Is furitaanka waalidka ama kala tagga
7. Ka marag-kaca rabshadaha qoyska
8. Xabsi gelinta xubnaha qoyska
9. Ku xadgudubka mukhaadaraadka ee qoyska
10. Xanuunka dhimirka ee qoyska
BAARITAANKA DUKUMINTIYADA DADWEYNAHA
Caafimaadka Degmada ee Snohomish waxay si joogto ah u bixisaa baadhitaano dadweyne ee dokumentiga Adkaysiga ah: Bayolojiga welwelka ah iyo Sayniska Rajada.
Codso baaritaan adiga oo buuxinaya foomka onlaynka ah.
RAADINTA TAAAGEERO DHEERI AH
Taageerada shucuureed ee 24-saac ah iyo caawinta kugu xidhidhinaysa bixiyaha caafimaadka dhimirka ka wac khadka caawinta soo kabashada Washington lambarkan 1-866-789-1511
Si aad uga hortagto is dilida ka wac khadka tooska ah ee ka hortagida is dilida halkan halkan 1- 800-273-8255